Xaqiiqaha Balwadda Khamaarista

  • 95% dadka ku lugta leh khamaaristu waa caafimaad qabaan marka ay timaad khamaarista hase yeeshee,
  • 5% dadku waa balwadlayaal khamaar, iyo
  • 1%  kamid 5% waxaa ay yihiin khamaarlayaal daran.

Dad badani waxay khamaaraan bilaa dhibaato. Dadka intooda badan waxay khamaaraan iyagoon wax dhib soo gaadhsiinayn nafahooda ama dadka kale. Marka la eego daraasadda 1995 ee CAMH (Centre for Addiction and Mental Health),  84% kamid ah qaangaarka Ontario waxay khamaaraan ugu yaraan mar sannadkii, 1/3 kamid ah dadkuna (33%) waxay kaqaybgaleen ugu yaraan saddex nooc oo khamaar ah 1994 (Ferrir 1996).

Haddaba, waxa jira qayb kamid ah dadka kuwaasi oo qaada “balwadda khamaarista” balwadda khamaarkuna waxay aad ugu badan tahay waxyaabaha kale ee la-qabatimo. Khamaarlayaasha, ilaa 50% waxay qabaan dhibaatada isticmaalidda daroogo. Sagaal ilaa siddeed iyo toban boqolkiiba isticmaalayaasha daroogadu waxay la soo baxayaan dhibaato khamaaris. Isticmaalka daroogadu waxay ku badan tahay khamaarlayaasha da’da yar.

Taasi aad ayey u adag tahay in la ogaado cidda ay si toos ah u saamayso khamaaristu, sababtoo ah “waa xanuun aad u qarsoon”.

Jason Azmier, falanqeeye siyaasadeed oo sare ee Ururka Canada West Foundation ayaa sheegtay Waa kuwan xaqiiqooyin, marka la eego Tirakoobka Kanada ee 2002 ee Xogururita Caafimaadka Maskaxda iyo Fayoobaanta (Xogururinta Beesha Caafimaadka Kanadiyaanka (CCHS), Wareeg 1.2):

¾ kamid ah dadka Kanada (18.9 milyan) oo da’doodu tahay 15 jir kabadan waxay ku kharash gareeyeen lacag nooc kamid ah khamaarka 2002.

In kabadan 1 kamid ah 4 (27%) waxay ku sharxeen naftooda “khamaarlayaal joogto ah”, oo ciyaara ugu yaraan halmar toddobaadkii

Iibsashada tigidhka lootarigu waa khamaarka ugu caansan (65% ama xogururinta dadka)

Kharash garaynta khamaarka ee celcelis ahaan ee Kanadiyaanka 18 jirka ama kawayn wuxuu ahaa $485 qofkii 2002- in kabadan korodh saddex laab ah oo kasoo bilaabmay $130 1992

Ugu dhawaan 62% balwadlayaasha khamaarku waxay ku kharash gareeyaan in kabadan $1,000 sannadkii khamaarista.

Dadka Kanada waxay dareensan yihiin in khamaaristu tahay hawl la aqbali karo kaasi oo aad loo taageero aqoonta ku salaysan dartii oo ay dawladdu xakamayso. (www.statcan.gc.ca)

This page is also available in: English, Arabic, Chinese (Simplified), Italian

Niagara Multilingual Prevention/Education Problem Gambling Program © 2022

NHS Mohltc Logo Camh Logo Opgh Logo Casn