Dhallinyarta iyo Khamaarka

Mid kamid ah loolannada korriinku waa qaadashada go’aanka saxda ah iyadoo cadaadis bulsho jiro. Fidista degdegga ah ee suuqa khamaarku wuxuu beddelay fikradaha dad badan ee ah waxa uu yahay khamaar la aqbali karo –- iyo sida aynu u yarnahay marka aynu bilawno khamaarka.

Daraasadda khamaarlayaasha da’da yari waa bilaw. Daraasadda la sameeyey waxay inoo sheegaysaa in:

  • Heerka dhallinyarta khamaarta magaalooyinka Maraykanka iyo Kanada waa isku mid (52-89% dhallinyaru waa khamaarayaan)
  • Noocyada ciyaarayaha aan tooska ahayn (kaadhadhka, sharadka isboortiga) ayaa ku badan khamaarlayaasha aan qaangaarka ahayn
  • Dhalinyartu waxay u dhaw yihiin inay ciyaaraha u ciyaaraan si bille ilaa toddobaadle ah, hase yeeshee, dhallinyarta qaar waxay khamaaraan maalin kasta.
  • Seddax ilaa 4% dhallinyartu waxay wadaan khatarta noqoshada khamaarle bahal ah
  • Dhallinyarta leh dhibaatooyin kale (sida isticmaalka daroogo) ayaa khatar badan ugu jira inay la kulmaan dhibaatada khamaarka

(xigasho: NRC 1999, AFM, 1990, Nova Scotia Omnifacts, 1993)

Ma taqaanay?:

Q. Halka da’yartu ay lacagta ka helayso si ay u khamaarto?

  • 60% waxa la sheegay inay lacagta ka helaan shaqo
  • 60% waxa la sheegay inay lacagta khamaarka ka helaan waalidkood.

Q.Maxay ahaayeen asbaabaha da’yartu u khamaarayeen kal-hore?

  • 89.2% waxa la sheegay inay ku madadaaloonayeen
  • 70.3% waxa ku dhacay inay lacag ku guulaystaan 
  • 28.4% waxay dooneen inay khatar qaadaan 
  • 24.1% Waxay dooneen inay farxad dareemaan 
  • 20.7% Waxay u baahdeen lacag
  • 15.3% Waxay dooneen inay soo ceshaan lacag laga helay
  • 8.6% waxay daawadeen xayeysiin TV waxayna u qaateen wax madaalo leh, fiican oo xiise leh

Q. Turubku ma dhib ayuu ku yahay da’yarta Ontario?

  • 18% (Ugu dhawaan 1 % waxa la muujiyey inay khusayso inta saaxiib uu ciyaaray turub 
  • 13% waxay la sheegay in marmarka qaar ay ku kharash gareeyaan lacag ka badan inta ay awoodaan
  • 6% waxa la muujiyey inay is arkeen uun iyagoo ku shaqaysanaya turubka 

Q. Waa maxay hawsha khamaarka ee dhallinyarta Ontario? 

  • 54.8% Sharadka caratin/tartan ah inay wax samayn karaan
  • 5.3% Ciyaaray sharadka lacag
  • 25.5% sharadka dhacdooyinka isboorti, ciyaaraha ama     buulis
  • 24.4% iibsada guul degdeg ah iyo/ama tigidhada la xoqo 
  • 19.6% ciyaaray qol-ciyaareed iyo/ama ciyaarta fiidyawga oo lacag ah 
  • 16.2 Ku ciyaaray laadhuu lacag 
  • 11.3% Ka sharatamay oo/ama ka khamaaray internet

(Laga soo Xigtay alaabta ololaha Xadadka Gudahooda 2007, Khamaarista Xilkaska ah ee Ontario;  “Habdhaqanada iyo Fahamada Khamaarista Da’yarta Ee 15 ilaa 17 Jirrada, Khamaarista Xilkaska ah ee Ontario, (2207);  “Nidaamyada iyo Sifooyinka Khamaarista Dhallinyarta, “, Jiilaalada, K., Stinchfield R., & Fulkenson, J, Joornaalka Daraasaadka Khamaarista, (1993)

Waa maxay khataraha khamaarlayaasha da’da yar?

Maadaama maskaxaha iyo jidhka da’yartu ay wali korayaan, xiitaa waa sii adkaan karta inay is-xakameeyaan oo qaataan go’aamo fiican oo ku saabsan sida iyo goorta la khamaarayo.

Arrimaha sida faquuqa, dhib ka haysata dugsiga ama yeelashada waalid leh habdhaqan khamaar oo xun ayaa ah qaar kamid ah asbaabaha sababa in da’yartu ay dhibaatada la kulmaan. Fac ku dayashadu waxay sidoo kale ka ciyaari kartaa qayb balwadda khamaarka. Qaar kamid ah da’yartu waxay dareensan yihiin in khamaaristu ay tahay “xaflad muhiim ah”. Qaar kale ma yaqaanaan wax ka fiican khamaarka ooy sameeyaan.

Inta khamaarku uu yahay wax bulsho ahaan loo aqbali karo qaangaarka, waxa fudud in da’yartu ay sahashadaan khatarta balwadda khamaarka kuna dhalleecyaan arrimo kale.

Xaqiiqda in ay sharci darro tahay in la khamaaro waxay ka qayb noqon kartaa badhaadhaha khamaarlayaasha da’yarta ah. Inkastoo sharci hoosaadka, carruurta laga mamnuucay goobaha ciyaaraha, waxa jira qaabab kale oo badan oo dhallinyartu ay ugu lug yeelan karto hawlaha ciyaarta.

Marka la eego Stats Canada, 2002 Xogururinta Caafimaadka Maskaxda iyo Fayoobaanta  (CCHS 1.2)”

  • Khatarta balwadda khamaarku waa ku sarraysay kooxda da’da 15-24 jir
  • 15-24 jirrada 5.8% waxay khatar ugu jireen ama loo aqoonsaday balwadlayaal khamaar
  • 3.6% khatar waa kujireen, laakiin waa yarayd
  • 1.8% waxay kujireen khatar dhexe
  • 0.4% waxa loo tixgaliyey balwadlayaal khamaar

Xarunta Caalamiga McGill University International Centre ee Khamaarka Dhalinyarta iyo Habdhaqanada Khatarta Sare (www.youthgambling.com) waxay ogaatay in:

  • Ugu dhawaan 70% da’yarta Kanada waxay gacanta kula jiraan nooc khamaar
  •  Khamaarista da’yartu waa korodhay 20 sano ee u dambeeyey
  • Rag da’yar ah oo badan ayaa khamaar marka dumarka loo eego
  • Dhibaatooyinka khamaaristu dhalinyarta waxa weheliya xirfado ka qaalib noqosho oo liita
  • Inta u dhaxaysa 4 ilaa 8% da’yarta waxay leeyihiin dhibaato khamaar oo halis ah
  • 10-15% khatar ayey ku sugan yihiin
  • Qofka yar ee leh dhibaatooyin khamaar oo halis ah wuxuu khatar ugu jiraa ka fikiridda is-dil ama isku day is-dil
  • Ka soo leexadka bulshada ee balwadda khamaarku waxay aad ugu dhakhso badan tahay dhalinyarta

Calaamadaha Balwadda Khamaarka ee Dhallinyarta

  • Aan sirta sheegi karin
  • Dareema in la illaaway, walaac, walwal, niyadjab
  • Waayo-aragnimo dugsi oo taban
  • Bilaabista khamaarka oo mid hore ah
  • Isticmaala “eray-bixinta” khamaarka
  • Ku firfircoon habdhaqanada khatarta ee kale

Xooji Dhallinyarta 

Dhimista Khatarta: Dhimista Waxyeelada

  • Ha ku riixin yaraysasho – u daa ikhtiyaarka.
  • Ku dhiirigali go’aano warqaba – ha isku dayin inaad ka cabsiiso
  • Sii macluumaad fiican.
  • Kula hadal farriimo togan.

Sida loogala hadlo ilmahaaga khamaarista iyo balwadda khamaarista 

  • Raadi wakhti aad si dabiici ah u soo qaado mawduuca, tus., kadib marka aad arkayso ganacsiga kaasino ama aad ogaatid in saaxiib uu ku guulaystay ama ku khasaaray lacag khamaar.
  • Waydii su’aalo marka hore. Baadh fikradaha iyo dareenada ilmahaaga ee khamaarka kahor intaanad siin macluumaad ama aanad u sheegin fikraddaada.
  • Dulqaado. Waxay qaadan kartaa dhawr wada xaajood kahor ilmahaagu intaanu fahmin fikradaha aad rabto in aad muujiso.

Laga soo xigtay Golaha Khamaaris Xilkas ah ee Ontario, warqadda Kala hadal carruurtaada kacaanka ah khamaarista”.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Muddada Fog, Laanta Caafimaadka Maskaxda iyo La-qabatinku waxay maalgalisaa Barnaamijka Khamaarista Dhallinyarta YMCA. Barnaamijkani wuxuu xalliyaa baahida dhallinyarta u dhaxaysa da’da 8-24 jir, isagoo siinaya soojeedimo waxbarasho iyo wacyigelin waxaanu isticmaalaa xeeladaha dhimista waxyeelada si uu uga taageero dhallinyarta samaynta doorashooyin wax-og oo fiican oo ku saabsan khamaarista.(www.ymcatoronto.org/gambling)

This page is also available in: English, Arabic, Chinese (Simplified), Italian

Niagara Multilingual Prevention/Education Problem Gambling Program © 2022

NHS Mohltc Logo Camh Logo Opgh Logo Casn