DHIBAATADU WAA ISKU MID

Q: Maxaan uga hadalnaa khamaarka iyo kooxo dhaqameedka?

A: Balwadda khamaarku waxay saamayn kartaa qof kasta iyadoon la eegayn dhaqan beeleedka qofka.

Khamaaristu waa wax ka jiray ugu dhawaan bulshooyinka oo dhan waligiiba. Cilmi-baadhis ayaa sheegtay in ciyaaraha nasiibka baryihii hore ay lahaayeen qaabka tuurista qori-tuur iyo laadhuu. Ul ciyaareed afar dhinac leh oo ku taariikhaysan 6000 Ciise Hortii ayaa laga soo qufay meelo arkayoolaji oo Afrika, Eeshiya iyo Waqooyinka iyo Koonfurta Maraykanka ah.

Wakhtigan, cilmi-baadhis waxay muujisay in boqolkiiba khamaarlayaasha daran ay iskaga mid yihiin dadka oo dhami.

95% kamid ah dadku waa caafimaad qabaan marka ay timaado khamaaristu laakiin waxay ku lug lahaayeen khamaarista.

5% kamid ah dadku waa balwadlayaal khamaar

1%  kamid ah 5% waa khamaarlayaal daran

Heerka hawlaha khamaar ee kooxo dhaqameed waxay la mid tahay heerarka khamaar ee dadka caadiga ah.” (ARF Study, 1996)

Si kastaba, waxaanu u baahannahay inaanu awoodda saarno inayna wax wayn ahayn arrinka khamaarku laakiin ay wax wayn tahay la’aanshaha galaangal u yeelashada macluumaad iyo khayraadka kuwaasi oo dhigi kara dadka kasoo jeeda kooxaha dhaqameed khatar gaadhsiinta dhibaatada khamaarka.

This page is also available in: English, Arabic, Chinese (Simplified), Italian

Niagara Multilingual Prevention/Education Problem Gambling Program © 2022

NHS Mohltc Logo Camh Logo Opgh Logo Casn