Categories
Articles

Khamaarista, Balwadda Khamaarista iyo Beelaha Dhaqameed

Inta uu shaqaynayey mashruucan cusubi, waxa aanu aqoonsannay in arrinka balwadda khamaarista ee kooxaha dhaqameed aad u tahay arrin galaangal u yeelashada adeegyada dhaqan ahaan iyo luuqad ahaanba habboon iyo sidoo kale caqabadaha luuqadda.

Marka aynu ka hadlayno kooxaha dhaqameed, waxaan u jeednaa kooxo dhaqameedka tirada yar, marka sinjinimada lagu isticmaalo kooxaha oo dhan. sinjinimadu waxay leedahay sifooyin dhinacyo badan oo badan oo ay kujirto waddanka qofka u dhashay, diinta, luuqadda guriga lagaga hadlo, dhaqanka iyo dhaqanka kujira dhaqanka qof, caadooyinka, dabbakhaadaha bulsheed, caadooyinka soo jireenka ah, iwm., sidoo kale arrimaha is-aqoonsiga, meesha daganida iyo qeexista qof ahaaneed ee sinji ahaan.

Sida lagu sheegay warbixinta “Ku Riyooga Lambarrada; Khamaarista beelo dhaqameed Ontario dhexdeeda (Lorne Tepperman et all, Sibtambar 2004), “Dhaqanka iyo sinjinimadu waxay ula xidhiidhaan habdhaqanada khamaarista dabeecadaha dhaqan ahaan laga haysto khamaarista. Dhaqanku wuxuu saameeyaa khamaarista gudaha xubnaha koox dhaqameed isagoo saamaynaya afkaartooda, caadooyinka, dabbakhaadaha bulsho, caadooyinka soojireenka ah iyo shuruucda.

Xubno kamid ah koox dhaqameedka, waxaynu ku dhaxalnaa kuna gudbinaa dhaqamadeena ururadeena, waxqabadka, teknoolajiga, qaababka farshaxan iyo hababka qoraalka” (Shweder 1991).  Haddaba dhaqanku ma saameeyo kaliya jiritaanka xarumo khamaar, laakiin dabeecadaha dadka iyo waxa ay ka rumaysan yihiin khamaarka. Dhaqanku waxa uu go’aamiyaa dabeecadda iyo macnaha in khamaaristu ay leedahay xubnaheega, qaabkan ayaanu, dhaqanku u saameeyaa shaqooyinka gaarka ah ee khamaarka kooxo dhaqameed kala duwan (Abt et al 1985)

This page is also available in: English, Arabic, Chinese (Simplified), Italian