Categories
Articles

La Soco

Waa maxay dhibta wayn ee khamaarku? 

Khamaarku wuxuu u muuqan karaa sidii – in aanu dhib ka ahayn Ontario. Bakhtiyaa-nasiibyada, islot kaasinos, bingada khayriga, qori-tuuradka isboortiga iyo noocyo kale oo khamaar ah waxa jira qaabab badan oo dadku fursad uga helaan. Dadkuna waxay qaadanayaan fursadaha suuqa ciyaarta khamaarka dhawrka maaliyiin doolar gaara ee Ontario.

Dadka badankooda, khamaarku waa qaab xiise iyo nasasho oo ay lacag yar ugu guulaystaan ama asxaab isku bartaan. Dad kale, khamaarku wuxuu noqday xooga kala-geeya nolosha qoys, lacageed, shaqo iyo bulsho.

Goorma ayuu khamaarku yahay dhibaato?

Haddii badhaahaha guulaysiga wayni uu ka muhiimsanaanayo wakhti la qaadashada kuwa aad jeceshahay, haddii khamaarku saamaynayo hawlgudashada, ama haddii dayntu -xad dhaafayso una- muuqato inayna waligeed dhammaanayn, khamaarku wuxuu noqon karaa dhibaato.

Bartan waxa loogu talagalay inay – kusiiso macluumaad ku saabsan – waxa ay tahay balwadda khamaarka iyo in – la aqoonsado- calaamadaha –iyo astaamaha- noqon kara dhibaato.

Maxaan samayn karaa? 

La soco oo baro 

Ugu horrayn, baro –wax ku saabsan khamaarka- iyo faraqa u dhexeeya khamaarka iyo balwadda khamaarka.

Is-Waydii 

Qaado mid kamid ah imtixaanada – kuwaasi oo kujira – oo eeg haddii adiga ama qof aad danaynayso ay dhib haysato

Caawimo Hel 

Ka adkaanshaha dhibaato khamaar waxay noqon kartaa loolan dhab ah – laakiin fursaddu adigay kulajirtaa! Baro sida si badbaado leh loogu khamaaro iyo sida loogu caawiyo in qof aad danayso uu xad u yeelo khamaarkiisa. Haddaanad garanayn meel aad wax ka bilawdo, – websaytkan luuqadaha badan ku qoran – waxa si gaar ah loogu talagalay inuu kugu caawiyo luuqaddaada.

 

This page is also available in: English, Arabic, Chinese (Simplified), Italian