Waa maxay NASIIBYADU?

Nasiibyadu ama jaanisku guulaysigu aad ayuu u yar yahay. Nasiib aalaaba wuxuu lid ku yahay sharatamaha. “Gurigu” wuxuu aalaaba leeyahay cidhif, inta badan ee qofi khamaaraana, waa inta badan ee uu khasaari karo.

Fursadda Wayn:

Lotto 6/49:    14 milyan 1

Lotto 6/49:     14 milyan 1

Super 7:     21 milyan 1

Markaa si aad u guulaysato – waxaad u baahan tahay inaad iibsato tigidh maalin kasta 20,000 oo sano

Mishiinada wareejinta, waxa jira islotyo badan oo kala duwan oo ku kala duwan jaakbotyada iyo nasiibyada. Dib u bixinta mishiinada wareejintu ee Ontario waa 85% ama ka fiican

Nasiibka ku guulaysiga jaakbotku wuxuu kala duwanaan karaa

4,096-kiiba 1 ama

33,554,00-kiiba 1

Fursadda aad ku galayso shil baabuur ama qarqoon:

20,000-kiiba 1

U dhimashada cudurka bakteeriyada jiidhka cunta

1 milyankii 1

Danab ku dhaco

240,000-kiiba 1

Ay disho qaniinyo sun leh

160,000-kiiba 1

U dhimashada kusoo dhaca dabaqa hoose ama jaranjarada

6,330-kiiba 1

Meelaha laga soo xigtay: Rafiiqnimada British Columbia ee Khamaarista Xilkas ah; Iskaashiga Lootariga iyo Ciyaarta Ontario. Lootariyada; Adeegyada Haajiraadda COSTI, “Buug Tusmeed Yar oo Ku saabsan Balwadda Khamaarka ee Bixiyayaasha Adeegga Soogalootiga.”

Dadka qaar waxay u khamaaraan iyagoo u malaynaya inay “ka adkaan karaan nidaamka” ama iyagoo dareemaya inay nasiib leeyihiin.

Shuruucda xisaabta jaanisku waxay xaqiijin in haddii “inta hore” fiicnaato, aad ugu dambaynta baabi’in doonto macaashkan haddaad ciyaarta sii waddo.

Xaqiiqooyinka iyo Khuraafaadka Khamaarista:

Waxa jira khuraafaad badan oo ku saabsan guulaysiga marka aad khamaarayso. Marka la eego Golaha Khamaarista Xilkaska ah ee Ontario, kuwani waa kuwa inta badan soo noqnoqda:

Khuraafaad: Waxaan arki karaa qaabka mishiinka usoo saarayo

Xaqiiq: Ciyaaruhu waxay ku salaysan yihiin dhacdo nasiib ah

Khuraafaad: Haddaan ciyaarta sii wado, ugu dambaynta waan guulaysan, lacagtayda ayaan soo ceshan

Xaqiiq: Inta badan ee qofi ciyaaro, waa inta badan ee uu chaser

Khuraafaad: Qofku wuxuu leeyahay fursad fiican oo uu ku guulaysto mishiinka islotka ee irridda

Xaqiiq: Kasinos ma maamulaan natiijooyinka ciyaarta ciyaartooyga 

Khuraafaad: Waxaan ogaaday qaab guulaysi

Xaqiiq: Dadka aadka u rumaysta xirfadahoogu waxay khatar badan ugu jiraan dhibaatada khamaar. Way sahashadaan raadka waxyaalaha ayna maamuli karin.

 

This page is also available in: English, Arabic, Chinese (Simplified), Italian

Niagara Multilingual Prevention/Education Problem Gambling Program © 2022

NHS Mohltc Logo Camh Logo Opgh Logo Casn