Waa Maxay Balwadda Khamaaristu?

Balwadda khamaaristu waa nooc kasta oo khamaaris oo dhaawaca, kharriba, ama waxyeeleeya xidhiidhadaada qof ahaaneed, qoys, shaqo iyo bulsho, sidoo kale xaaladdaada maaliyadeed. Wuxuu sidoo kale saamayn wayn ku leeyahay caafimaadka jidheed, niyadeed iyo maskaxeed ee qofka.

Tusmada Balwadda Khamaarista Kanada, warbixinteedii u dambaysay, waxay ku qeexday balwadda khamaarista:

Balwadda Khamaaristu waa habdhaqan khamaaris kaasi oo ku abuura cawaaqib taban khamaarlaha, cidda kale ee ku xidhan, ama beesha.

Balwadda Khamaarista waxay ku leedahay raad khatar ah kaliyaha ma aha khamaaraha, laakiin sidoo kale xubnaha qoyska, asxaabta iyo cidda uu la shaqeeyo.

Qarinta Magaca Khamaaralaha waxay ku qeexday balwadda khamaarka:

Wixii sharad ah, ee laftaada ama cid kale ha noqoto lacag ama wax kale, iyadoon la eegin sida ay u yartahay ama u liidato, halkaasi oon natiijada aan la hubin ama ay ku xidhan tahay nasiib xirfad khamaarku leeyahay. 

Khamaarista  Balwadda Khamaarista
  • Khatar galinta wax qiime leh Marka mid uu guulaysanayo ama khasaarayo
  • Qofi uu ogaado in shay khatar Kujiro
  • Fahamka in marka Sharadku dhaco, in aan laga noqon Karin
  • Natiijada waxa go’aamiya nasiib
  • Nidaam habdhaqan khamaaris kaasi oo waxyeela, dhaawaca nolosha qoys, qof ahaaneed iyo/ama
  • Kharash gareeya lacag qaab uu isagu yahay qofka
  • Sidoo kale waxyeeli kara dadka ku xeersan sida qoyska, lammaanaha, asxaabta

This page is also available in: English, Arabic, Chinese (Simplified), Italian

Niagara Multilingual Prevention/Education Problem Gambling Program © 2022

NHS Mohltc Logo Camh Logo Opgh Logo Casn