Maxaan u Khamaarnaa?

Waxaan u khamaarnaa xiisayn iyo ku raaxaysi. Dadka qaar waxay u khamaaraan rajada inay lacag helaan si marka ay u dhandhamiyaan una taabtaan “guusha wayn” – wax keena qaab ay lacag ku helaan si ay riyadooda uga dhabeeyaan. Dadka qaar waxay u khamaaraan madadaalo, sida marka habeenkii ay u raacaan asxaabta kaasinada ama bingada lagu taageerayo urur khayri ah. Laga yaabaa inay tahay iibsiga tigidh mar ah oo lootari. Sidoo kale, waxa jira dad u khamaaraa sababtoo ah waxay jecel yihiin tartanka, bey’adda iyo badhaadhaha “ciyaarta”.

Marka la eego Xarunta La-qabatinka iyo Caafimaadka Maskaxda (CAMH), qaangaarka Ontario kuwaasi oon lahayn dhibaatada khamaarka waxay u khamaaraan asbaabaha soo socda:

  • Si ay lacag ugu guulaystaan 
  • Si ay bulshada u dhexgalaan 
  • Raaxaysi 
  • Wakhtiga isku dhaafin 

Marka la eego CAMH, dadka kasoo kala jeeda dhaqamada kala duwan waxay u khamaaraan asbaabahan soo socda:

  • Si ay bulshada u dhexgalaan
  • Si ay uga baxsadaan dhibaatooyinka iyo go’doominta 
  • Si ay isku bartaan xubnaha kooxo dhaqameed        
  • Si ay dib ugu hantaan mansabka bulsheed
  • Si ay ugu dabbaaldagaal xafladaha diimeed

 

This page is also available in: English, Arabic, Chinese (Simplified), Italian

Niagara Multilingual Prevention/Education Problem Gambling Program © 2022

NHS Mohltc Logo Camh Logo Opgh Logo Casn