Marxaladaha Khamaarka

Robert Custer, hoggaamiye cilmi nafsiga khamaarka, wuxuu aqoonsaday saddex marxaladood hore ugu sii dhaca khamaarka:

  • Ku Tiirsanaanta Marxaladda Hore (Marxaladda Guulaysiga)
    Marxaladdan, abaalmarinaha lacageed ama baxsiga gudeed la helo habdhaqanka khamaarka dartii waxay siisaa dhiirigalin ku filan in habdhaqanku sii socdo
  • Marxaladda Dhexe (Marxaladda Khasaaridda)
    Khasaaruhu wuxuu bilaabaa inuu ku dhago, khamaarluhu wuxuu bilaabaa “baacsiga” khasaarihiisa, taasi oo sababta habdhaqanka khamaarku inuu faraha ka baxo.
  • Marxaladda Dambe (Marxaladda Khaatiyaanka)
    Marxaladdan u dambaysa, khamaarluhu wuxuu noqdaa mid laga awood batay. Waxa jira dhibaatooyin daran oo niyadeed, maaliyadeed iyo qoys/xidhiidh. Habdhaqan dambiilenimo ayaa dhici kara, oo leh cawaaqibyo sharci oo suurogal ah.

This page is also available in: English, Arabic, Chinese (Simplified), Italian

Niagara Multilingual Prevention/Education Problem Gambling Program © 2022

NHS Mohltc Logo Camh Logo Opgh Logo Casn