Khuraafaadka iyo Khalad Fahamka

  • Khamaarlayaashu waa shakhsiyado soojiidasho leh oo damman. (Qaarbaa ah, laakiin kuwa kale way daggan yihiin, isku tashay ah, oo ay ka go’an tahay)
  • Khamaarlayaashu waxay ku raaxaystaan khataraha dhinacyada noloshooda oo dhan. (Qaar waa khatar u badheedhayaal waawayn, qaarka kale waa muxaafid caadooyinka iyo shaqada shakhsiyeed)
  • Haddaanad khamaarin maalin kasta, ma tihid balwadle khamaar
  • Waxaad la-qabatimi kartaa shaqo kasta. (khamaaristu waxay beddeli kartaa xaaladda qof iyadoo saamaynaysa bayokimistariga maskaxda si lamid ah sida khamrada ama daroogada)
  • Khamaarlayaashu waa tuugo iyo dambiilayaal. (Waa been, laakiin qaar kamid ah khamaarlayaashu waxay u baydhi karaan habdhaqan dambiilenimo rajo xumo darteed)
  • Khamaarle darani wuxuu ku khamaari karaa wax kasta. (Balwadlayaasha khamaar sida badan waxay leeyihiin doorbidyo mana damaaciyaan nooc kasta oo khamaar)
  • Dhammaan khamaarlayaasha darani waxay rabaan inay khasaaraan. (waxay la-qabatimeen khamaarista – waxay doorbidaan inay khasaaraan intay ciyaarta ka bixi lahaayeen)
  • Khamaarlayaasha darani waa rajo filayaal, haddii kale si fudud ayey u joojin lahaayeen.

 

This page is also available in: English, Arabic, Chinese (Simplified), Italian

Niagara Multilingual Prevention/Education Problem Gambling Program © 2022

NHS Mohltc Logo Camh Logo Opgh Logo Casn