Categories
Articles

Ku saabsan

Barnaamijka Kahortagga/Waxbarashada Balwadda Khamaarka Luuqadaha Badan ee Niagara

Barnaamijka Balwadda Khamaarka ee Loogu Talagalay Dad Gaar ah: Beelaha Dhaqameed, ee loo sii mariyo Adeegyada Caafimaadka Maskaxda iyo La-qabatin, Nidaamka Caafimaadka Niagara.

Sooyaal:

La aasaasay 2000, Barnaamijka Kahortagga/Waxbarashada Balwadda Khamaarka Luuqadaha Badan ee Niagara waxa loo abuuray inuu siiyo adeegyo balwad khamaar oo dhaqan ahaan iyo luuqad ahaanba habboon iyadoo la sii marayo wacyigelin, macluumaad, waxbarasho iyo u gudbinaha beelaha dhaqameed ee Gobolka Niagara, sidoo kale meelaha durugsan iyo hawlaha waxbarashada dadwaynaha. Dhammaan adeegyada waa bilaa lacag waxaan si gaar ah diirada loo saaraa qarsoodiga.

Barnaamijku wuxuu taageeraa baahiyaha beelo dhaqameed waxaanu siiyaa xidhiidh arrimaha kale ee la xidhiidha sida isticmaalka daroogada ama xaaladaha is-huwan, wuxuuna rafiiqnimo la abuuray dhammaan beelaha dhaqamada kala duwan ee Gobolka Niagara, adeegyo bixiyayaasha la shaqeeya beelahan iyo bixiyayaasha adeeg bulsho ee kale.

Barnaamijkan waxa maalgaliya Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Muddada Fog, Qaybta Nool ee Caafimaadka Qabta, Laanta Fulina iyo Sare u Qaadka Caafimaadka.

Adeegyada:

www.gamb-ling.com

Websayt ku qoran 11 luuqadood oo kala duwan: Carabi, Shiine, Ingiriisi, Faarisi, Hindi, Talyaani, Bortoqiis, Ruush, Soomaali, Isbaanish iyo Urduu, kaasi oo ay kujirto macluumaad luuqad ahaan iyo dhaqan ahaanba habboon, iyo xidhiidho baro kale oo la xidhiidha.

Tabobarka Balwadda Khamaarka ee:

  • Shaqaalaha hoyga
  • Tarjumayaasha Dhaqan
  • Bixiyayaasha Adeegga Bulsho
  • Qaybta Maaliyadeed/Sharci
  • Adeegyo kale

Kalfadhiga Macluumaadka/Wacyigelinta Khamaarka iyo Balwadda Khamaarka ee:

  • Beelaha dhaqameed
  • Bixiyayaasha Adeegga Bulsho
  • Qaybta Maaliyadeed/Sharci
  • Kooxo beeleed
  • Ardayda ESL iyo adeegyo kale

Bixinta Khayraadka Waxbarashada Balwadda Khamaarka Luuqadaha Badan:

  • Warqad macluumaadyada
  • Gidaar lagu dhejiyeyaal
  • Buugaag tilmaameed
  • Buug-gacmeedyo, iwm.

Balwadda Khamaarku Waxay kusoo Bandhigtaa Shaxan Macluumaad Dhacdooyinka Beeleed

La-talinta/Daawaynta 

Dhammaan codsiyada la-talinta/daawaynta balwadda khamaarka waxa loo gudbiyaa Adeegyada La-qabatinka Beesha Niagara (CASN) xarunta loogu talagalay daawaynta balwadda khamaarka Gobolka Niagara.

Khayraadka Deegaanka 

  • Barnaamijka Kahortagga/Waxbarashada Balwadda Khamaarka Luuqadaha Badan ee Niagara, Adeegyada La-qabatinka, Nidaamka Caafimaadka  Niagara: 905-378-4647 x63849
  • Websayt: www.gamb-ling.com
  • Ilaalada Caafimaadka, Agaasimo Goboleed, Adeegyada Caafimaadka Maskaxda iyo La-qabatinka: 905-378-4647 X
  • Myra Quinonez-Alfonso, Isu-duwaha Barnaamij, Barnaamijka Balwadda KHamaarka Luuqadaha Badan ee Niagara: 905-378-4647 x63849
  • Adeegyada La-qabatinka Beesha Niagara(CASN) Barnaamijka Daawaynta Khamaarka: 905-684-1859
  • Qarinta Magaca Khamaarlayaasha Niagara: 905-351-1616
  • La-talinta Daynta ee Gobolka Niagara: 905-684-9401
  • Barnaamijka Wacyigelinta Khamaarka Dhallinyarta-YMCA, YGAP, (www.ymcatoronto.org/gambling)

Khayraadka Dawlad Goboleed 

  • Khadka Caawimada Balwadda Khamaarka ee Ontario (gudbin 24-saac): 1-888-230-3505
  • Xarunta La-qabatinka iyo Caafimaadka Maskaxda CAMH) bilaa lacag ku wac La-talinta Khamaarka: 1-888-647-4414
  • Adeegyada Balwadda Khamaarka Luuqadaha Badan CAMH  
  • www.ProblemGambling.ca
  • La-talin Daymeed 24-saacadood ah: 1-800-267-2272

 

This page is also available in: English, Arabic, Chinese (Simplified), Italian