Soosaarista Dhaqamo Waxtar u leh Kooxaha Sinji Dhaqameed

Marka la eego “Warbixinta Qiimaynta Kala Duwanaashaha Baahiyaha Goboleed, Xarunta La-qabatinka iyo Caafimaadka Maskaxda, CAMH, warbixinta 2004, bixiyayaasha adeegga gobolka oo dhan waxay muujiyeen in loo-adeegayaal badan aanay helin daryeelka caafimaad ee ay u baahan yihiin, dhibaatadani way kasii daran tahay beelaha kala duwan, sababtoo ah baahiyahooga gaarka ah iyo caqabadaha dheeraadka ah ee nidaam ee ay waajahaan helista adeegyada… inta badan wakaaladaha siiya adeegyo dejin muhaajiriinta iyo qaxootiga cusub ma laha awooda ay ku garan karaan ulana tacaamuli karaan caafimaadka maskaxeed ee loo-adeegaha iyo/ama dhibaatooyinka la-qabatin. Sidoo kale, bixiyayaasha adeeggu inta badan waxay dhibi ka haysataa u gudbinta daawayn loo-adeege aan Ingiriisi ku hadlayn, sababtoo ah xarumo faro ku tiris ah ayaa bixiya tarjumaan iyo/ama ku bixiya barnaamijyada iyo adeegyada luuqado aan ahayn Ingiriisi.

Isla warbixinta, gabaabsiga xirfadlayaal daryeelka caafimaad oo dhaqan ahaan habboon, iyo sidoo kale jiritaan la’aan guud ee fahamka dhaqamada oo ahaan caqabad wayn galaangal u yeelashada adeegyada ayaa la iftiimiyey, kaqaybqaatayaasha ah koox gooni u eegta waxay tilmaameen inay jiraan shaqaale daryeelayaal caafimaad oo tiro yar iyo xirfadle loo tabobaray kala duwanaashaha iyo kala duwanaashaha dhaqan. Waxay sidoo kale sheegeen dhakhaatiir, kalkaaliyayaal caafimaad iyo xirfadlayaal caafimaad oo kale oo si habboon loo tabobaray. Xubnaha sinji qoomiyadeedka iyo beelaha dhaqamada kala duwan waxay muujiyeen in baahidooda dhaqan iyo luuqad aan wax laga qaban ama lagu xisaabtamin siinta daawaynta ama adeegyada. Inta badan waxay dareemayeen baahida inay nafahooda ugu sharraxaan, luuqaddooda iyo bey’ad dhaqan ahaan habboon, xirfadlayaal caafimaad oo fahmi kara uguna jawaabi kara luuqaddooda.  Kooxo badan oo si gooni ah u eega waxay u arkeen midab-takoorka iyo khaniis nacaybka kaliya inayna ahayn caqabado waawayn galaangal u yeelashada daryeelka caafimaad laakiin sidoo kale inay kaqayb wayn ka yihiin daryeel la’aanta, daryeel aan habboonayn oon sax ahayn, iyo runtii si toos ah korodhka dhibaatooyinka la-qabatinka iyo caafimaadka maskaxda. Midab-takoorka ayaa loo aqoonsaday mid kamid ah caqabadaha ugu waawayn kaasi oo kahorjoogsada xubnaha sinji qoomiyadeedka iyo dadka dhaqan ahaan kala duwan helista daryeelka muhiimka ah.

Waxay sidoo kale ku sheegeen warbixinta sare ku xusan kaqaybqaatayaasha ah koox si gooni ah u eegta, in beelaha meesha kaasinoska laga ciyaaro, inay jirto korodh dhibaatada caafimaadka maskaxda iyo la-qabatinka, oo leh khayraad tiro yar si loogu xalliyo. Kaqaybqaatayaashu sidoo kale waxay ogaadeen jiritaan la’aanta hoggaamin beeleed, isku duubnaan iyo u dhannaansho, maalgalin la’aan iyo ahmiyadda siyaasadeed oo hoosaysa, iyo sidoo kale u soo jeedsi la’aan saameeyayaasha bulsheed ee caafimaadka maskaxda iyo la-qabatinka ee saamaynaya beelaha kala duwan.

Si loo dhimo faraqyada adeegyada, waxa soo socdaa waa qaar kamid ah talobixinada kooxaha sida gooniga ah u eega intooda badani ay shegeen kuwaasi oo muhiim ah:

Siinta barnaamijyo iyo adeegyo iyo khayraad dhaqan ahaan iyo luuqad ahaanba habboon

Horumarinta waxyaalo aad u gaarka ah kuwaasi oo dhaqan ahaan habboon, si cad loo qoray, ka masaxidda eray-bixinta caafimaad, luuqado kala duwanna ku qaran, loogu wargeliyo beesha kala duwan adeegyada iyo waxbarashada caafimaadka maskaxda iyo la-qabatinka

Isticmaalka raadiyaha beesha, cajaladaha fiidyaw, TV-ga keebalka ah, kiniisadaha iyo macaahidda diinta, sida khadad waxbarasho oo muhiim ah, sare u qaadidda caafimaadka iyo wada xidhiidhka.

Siinta qaabab beddel ah adeegyada caafimaadka maskaxda iyo la-qabatinka, sida daawaynta irbado badan ku duridda, yoga, khilaawayn, iwm. halkii barnaamijyada aadka u galbeedaysan iyo daawaynaha.

Dib u tabobaridda iyo shaqaalaysiinta dhakhaatiirta ajanabigu tabobaray iyo xirfadlayaasha kale

Wadaagista macluumaadka ee bixiyayaasha adeegga kuwaasi oo la xidhiidha kala duwanaashaha, oo ay kujirto dhaqamada ugu fiican ee beesha dhexdeeda.

Horumarinta wacygelinta dadwaynaha iyo ololaha warbaahinta si loo dhimo waxyaabaha laga ceebeeyo beelaha kala duwan.

Gaadhista iyo la shaqaynta rafiiqyada dadka sinji qoomiyadeed iyo kala duwanaanshaha dhaqanka leh

A. Blaszczynski ahaan,  wuxuu kusoo gabagabeeyey qormadiisa “Dhibaatada Khamaarista Bulsho Dhaqamo Badan”, ee cilmi-baadhis laga sameeyey Ustareeliya, “Si aan u kasbano natiijooyin fiican loo-adeegayaasha sinji, dabiibayaashu waa is-waafajiyaan faraqyada dhaqan iyo baahiyaha gaarka ah ee dhaqan ee loo-adeegayaasha sinji. Dhaqamada ay kasoo jeedaan loo-adeegayaasha sinji waxay siiyaan xaalado tallaabo iyo la falgalka dadka kale. Xaaladdani waxay ku haysan dhaqamo rumaysnaan, qiyam, dabeecado iyo baahiyaha door kus salaysan. Ka warhaynta saamaynta dhaqanku waxay u saamixi dabiibayaasha inay ka helaan macluumaad badan oo ku tacaluqa loo-adeegaha sinji isagoo waydiinaya su’aalo badan oo habboon una oggolaananya waxbqabadyo badan oo dhaqan ahaan habboon.”

Dhaqamada waa inay kujiraan:

Adeegyo gaadhsiin  

Samaynta rafiiqyo iyo/ama iskaashato

Barnaamijyo kahortag iyo wacyigelin

La-talinta luuqadaha kala duwan

Daacadaha gaarka ah ee luuqadda

Kordhinta iskaashiga wakaaladaha adeegga ee sida gaarka ah ula shaqaynaya kooxaha sinji dhaqameed, gaar ahaan Xarumaha Dhaqamada Badan iyo/ama wakaalaha adeegyada dejinta.Cultural Groups in Ontario

Waayo-aragnimadayda fiican ee la shaqaynta xubnaha beelaha sinji dhaqameed iyo qoysaskooda, waxaan ka bartay in dabeecaddu ay aad uga muhiimsan tahay aqoonta. Dabeecaddeenu waxay furi kartaa albaabada si aan ula xidhiidhno una abuurno dabar inagu xidha loo-adeegayaasheena si ay farriintu si fiican u gaadho kana qayb galaan daawaynta, haddii kale waxay awdi karta wada xidhiidhka labada dhinac. Waxa lama-huraan ah in la sameeyo xidhiidh dhaqan ahaan soconaya oo lala sameeyo loo-adeegayaasha. Wax ka baro caadooyinka loo-adeegayaashaada kala duwan sida eegista indhaha, salaamaha, iyo waxa la oggol yahay iyo waxa aan la oggolayn, iyo sida goysku go’aanka u qaato. La shaqaynta sida dhaw ee beelaha sinji dhaqameed waxay muhiim u tahay samaynta dabbakhaadaha caafimaad maskaxda ee waxtarka leh ee beddelka ah si ay u xalliyaan arrinta balwadda khamaarka. Dhisidda wada shaqayn fiican oo waarta oo lala sameeyo kalaabyada sinji dhaqameed iyo ururada, Xarumaha Dhaqamada Badan iyo wakaaladaha kale ee u adeega soogalootiga aad ayey muhiim u yihiin inay dhisaan aaminaad iyo inay awoodaan inay kaqayb galiyaan xubnaha beelahan.

Kuwani waa Qodobo aaan isticmaalo marka aan la shaqaynayo xubnaha beelaha sinji dhaqameed

Hayso khariiradda adduunka

Wax ka baro dhaqankaaga iyo sinjiyaddaada

Ku xooji xafiiskaaga gidaar ku dhajinyo/qoraalo/alaabta wax lagu qurxiyo ee dhaqamo kale

Ku hadal luuqad waadax ah oo sahlan

Ka warhay luuqaddaada jidheed

Ka warhay luuqadda jidheed ee loo-adeegahaaga

Is-bar

Dareen gaar ah sii magaca loo-adeegahaaga

Xoog badan saar qarsoodinimada

Ka dheeraw eray-bixinta khamaarista iyo/ama caafimaadka, soo gaabinta eradya,

Ka warhay eexashooshinka iyo cabsiyahaaga

Mar kasta qaddarin muuji

Dabacsanaw 

Muuji dulqaad

Haddii loo baahdo, fadlan oggolow joogitaanka xubin kale oo qoys kalafadhiga la-talinta, kaliya taageere ahaan, maya Tarjumaan ahaan

Hadday jirto baahi isticmaalka Tarjumaan, mar kasta ka raadi Adeegyada Tarjumaanka iyo ama Adeegyada Tarjumidda Dhaqameed ee beeshaada. Xirfadlayaashani aad ayey aqoon u leeyihiin, raacaan xeerka anshaxa, sida badanna luuqaddooda gaarka ah waa afkooda hooyo, kaasi uu u faa’idayn doona dhaqdhaqaaqa kalfadhiga. Doorkoodu waa inay fududeeyaan wada xidhiidh sax ah oo dhexmara dadka luuqadaha iyo dhaqamada kala duwan. Ka dheeraw isticmaalka xubnaha qoyska, asxaabta, ama dadka ka shaqeeya ururkaaga kuwaasi oo luuqadda garanaya laakiin aan u tabobar qabin, shahaado u sidan, aqoon u lahayn, daacad u ahayn, sida Tarjumaan si dhab ah u Sharciyeysan. Dhaqamadani waxay u keeni karaan jaahwareer, wakhti lumis, iyo walaac dheeraad ah loo-adeegaha iyo bixiyaha adeegga. Awood badan saar qarsoodinimada adeegyada.

Fadlan raac tilmaamaha hoose marka aad isticmaalayso Tarjumaan

Hubso inaad u haysato oggolaanshaha loo-adeegahaaga isticmaalka Tarumaan

Lasii kulan Tarjumaanka iyo/ama Tarjumaanka Dhaqaneed si aad ugu caddayso doorarka

Oggolow wakhti dheeraad ah kalfadhiyada

Si toos ah ula hadal loo-adeegahaaga

U hadal si waadax ah iyo weedho gaagaaban adoo isticmaalaya luuqad sahlan

Ka dheeraw isticmaalka eray-bixino gaar ah, erayo lasoo gaabshay ama erayada ka kooban xarfaha erayo u taagan

Sii caddayn iyo sharraxaad

Hubso in farriinta aad rabto inaad sheegto la fahmay

Isku day ku isticmaalka qaababka beddelka ah ee u dhannaanshaha daawaynta

Marka aad isticmaalayso qalabka qiimaynta, xasuusnaw in dadka qaar ay hore ula kulmeen qaababka su’aasha, in la su’aalaana ay kordhin karto walaaca iyo cabsida

Hubso in loo-adeeguhu fahmay wakhtiga iyo taariikhda kulanka xiga

Wakhti iyo xaalad kasta mid ixtiraam badan ahaw

U mahad celi Tarjumaankaaga iyo loo-adeegahaaga

Xogwarayso Tarjumaanka marka uu tago loo-adeeguhu, haddii loo baahdo

Qiimee kalfadhigiina

Adigu is-qiimee

Sii tabobar iyo khayraad xirfadeed oo shiishka saaraya waxbarashada kartida dhaqanka kahortagga midab-takoorka iyo arrimaha kala duwanaashaha kaqayb ahaan fursadaha wakhtiga adeegga iyo horumarinta xirfadeed.

This page is also available in: English, Arabic, Chinese (Simplified), Italian

Niagara Multilingual Prevention/Education Problem Gambling Program © 2022

NHS Mohltc Logo Camh Logo Opgh Logo Casn