Miyey asbaabaha beelo dhaqameedka kala duwan iyo khamaarku kala duwan yihiin?

Hadday dadku ka tirsan yihiin beelo dhaqameedyo badan ama dhaqan wayn, asbaabaha khamaarista iyo dhibaatooyinka kasoo bixi karaa, waa isku mid.

Marka la eego Xarunta La-qabatinka iyo Caafimaadka Maskaxda (CAMH), dadka kasoo jeedo dhaqano kala duwan waxay u khamaaraan:

· Si ay dadka isku bartaan

· Si ay uga fakadaan dhibaato iyo go’doomin  

· Si ay isku bartaan xubnaha kooxo dhaqameed 

· Si dib ugu hantaan mansabka bulsheed

· Si ay ugu dabbaal dagaan ciidaha diimeed  

Koox dhaqameed badan khamaarku waa qaab bulshada loo dhexgalo. Hase yeeshee, beelo dhaqameed badan waxay leeyihiin hawlo bulsheed iyo madadaalo iyo sidoo kale doorbidyo ciyaaro. Bulshada Talyaaniga tusaale ahaan, ciyaarista kaadhku waa caadi, guriga ama kalaabka ha noqotee. Carruurta dhaqanka Eeshiyaanka leh waxa la baraa inay ciyaaraan ciyaarta Mahjong, ama Tan-Tan, taasi oo ah soo jireen ahna ciyaar yar oo dhagax tiring ah. “Fan” waxay ka dhigan tahay “in la rogo” walax, taasi oo noqon karta koob ama madiibad iyo “Tan” oo ka dhigan “Baahinta” dhagaxaanta.

Marka aynu ka hadlayno khamaarista iyo kooxo dhaqameedka waa inaynu magacawno arrinka haajiraadda – nolosha kala wareega kujirta – walaacan dheeraadka ah ee soogalootiga iyo qaxootigu waxay dhigi kartaa boos aad u nugul inay dhibaato kala kulmaan khamaarista. Waxay u isticmaali karaan khamaarista meel ay uga baxsadaan dareemista kaliyowga, waddan-hiloow, murugo iyo walaacid, iyo saamaynta ay arrimahani ku yeelan karaan xubin kasta oo kamid ah qoyska iyo sidoo kale qoyska oo dhan. Waxa sidoo kale muhiim ah inaynu xisaabta ku darsanno doorka qoyska iyo habdhaqanada dhaqanadooda iyo qoyskooda, iyo sidoo kale dabeecadahooga iyo waxyaabaha ay ka rumaysan yihiin khammaarista iyo nasiibka.

Waxa muhiim ah inaynu ogaano in beelo dhaqameed isku mid ahi, inay jiraan faraqyo badan oo u dhexeeya, inta badana ay ugu wacan tahay arrimaha soo socda:

Nooca Xaaladda Haajiraadda

Wakhtiga Haajiraadda

Heerku Dhexgal

Heerka Waxbarasho

Xaaladda Bulsho-Dhaqaale

Awoodda inay ku lug yeeshaan iyo dareemista ku lug yeelasho beesha “cusub”

Taageerada Busho/Beel

Sida lagu sheegay warbixinta 2006 “Waajihidda Dadka ee Caafimaadka Maskaxda iyo Xanuunka Maskaxda Kanada”, Tirakoobka Kanada, (p34), dhammaan muhaajiriintu waxay waajahaan walaaca dib-u-degga ama loolanka degista waddan cusub. Waxyaabaha keeni kara walaaca waxa kamid ah shaqo la’aan, faqiirnimo, go’doomid, caqabadaha luuqadda, kala duwanaashaha qiyamka bulsheed, midab-takoor, iyo, guud ahaan barashada sida nidaamyada kala duwan sida caddaymaha, shaqaalaysiinta, goobta shaqada, waxbarashada iyo caafimaadku u shaqeeyaan.

Dadka kasoo jeeda dhaqamo kala duwan waxay u isticmaali karaan khamaarista inay isku dayaan inay dib u hantaan xaalad khasaare, si uu u dareemo inuu qayb ka yahay beesha cusub ama buuqa inay dareemaan inay iska leeyihiin. Hase yeeshee, ceebta bulsheed ee khamaarista, beeshooda dhexdooda, waxay kahorjoogsan kartaa khamaarlayaasha kuwaasi oo la kulmay dhibaato inay oggolaadaan inay dhibi jirto iyo raadinta caawimo xirfadle. Sidaa darteed, waxa jira walaac wayn xubnaha qoyska la tacaamulka dhibaatadan iyo sidoo kale inay siiyaan caafimaadka lagama maarmaanka ah, daryeel maaliyadeed iyo sharci, iyo waxa loogu yeedho raadinta caawimo dibadeed ee dhaqan ahaan habboon tus., la-talinta ama daawaynta.

Waxa soo socdaa waa xeelado tiro yar oo fiican si loo caawiyo xubnaha qoysku si ay uga qaalib noqdaan arrimaha khamaarista iyo balwadda khamaarka

Xeelado fiican si looga hortago loona ilaaliyo xubnaha qoyska:

La Soco

Ha Qarin Dhibaatada

Raadi wakhtiga Saxda ah si aad uga hadasho

Ku taageer xubinta qoyska ama qaraabada samaynta isbeddelo togan

Raadi Caawimo Xirfadle iyo Taageero Qoys Laftaada

Xasuusnaw in isbeddelku wakhti qaato

(Laga so xigtay Xad Ku Sugan, daabacaadda 2006, Golaha Khamaarista Xilkaska ah ee Ontario)

Waxa sidoo kale jiri kara arrinka iska hor-imaadka qiyamka ee u dhaxaysa diinta qof iyo dabbakhaadaha dhaqan iyo dabbakhaadda casriga ah ee reer galbeed ee khamaarista madadaalo ahaan, kaasi oo aad caan ugu ah halkan Kanada.

Fadlan eeg daabacaadda Adeegyada Muhaajirka COSTI “Buug Tilmaameed Tixraac ku saabsan Balwadda Khamaarka ee Bixiyayaasha Adeegga Soogalootiga”, tusaale ahaan sida fahamka khamaarista, balwadda khamaarista iyo meesha laga raadsanayo caawimo ay ugu kala duwan yihiin xubnaha kooxo dhaqameedku.

Maadaama khamaarku soo jiido dalxiiska, marar badan waxa jiri kara fursado badan in dad luuqado kala duwan laga shaqaalaysiiyo suuqa khamaarka (kaasino, Bingo Halls, iwm.). Hase yeeshee, jiritaanka/galaangal u yeelashada goobaha khamaarka dartood, waxa jira ku dhicis sare ee balwadda khamaarka ee shaqaalaha suuqa ciyaarta.

This page is also available in: English, Arabic, Chinese (Simplified), Italian

Niagara Multilingual Prevention/Education Problem Gambling Program © 2022

NHS Mohltc Logo Camh Logo Opgh Logo Casn