Maxaynu markaa uga hadalnaa beelaha dhaqameed iyo khamaarista?

Beelaha dhaqameed way ku yar yihiin daawaynta khamaarka. Jiritaan la’aanta adeegyo la-talin oo dhaqan ahaan habboon, iyo sidoo kale arrinka luuqaddu waxay ka dhigan tahay in dadkan ayna galaangalkii la rabay u lahayn adeegyada markaana ay dhici karto inay ku sugan yihiin xaalad aad u nugul.

Marka la eego Tirakoobka 2006, (www.statscanadaCanada Kanada waxay soo dhawaysay in kabadan 14 milyan oo muhaajiriin ah ilaa 1901, wax ka badan 1 milyan waxay soo galeen 5 sanadood ee u dambeeyey. Tirada iyo boqolkiiba ajanabiga ku dhasha Kanada si joogto ah ayey u kordhayeen ilaa 1986. Toronto 45.7% kamid ah dadku waa ajaanib, in kabadan 200 oo sinjiyo kala duwan ah ayaana la soo tabiyey. Boqolkiiba inta ajanabiga ah sidoo kale waxay kordheen magaalooyinka, St. Catharines-Niagara 18.3%, London 19.3%, Kitchener 23.1% iyo Windsor 23.3%, Hamilton 24.4% , Guelph 20.4%, iwm. Ku darsiga xisaabta dimogaraafiyadan, waxa muhiim ah in laga fikiro baahiyaha beelahan marka la eego siinta adeegga balwadda khamaarka

Sida la sheegay 2004, Xarunta La-qabatinka iyo Caafimaadka Maskaxda, CAMH, “Warbixinta Qiimaynta Kala Duwanaashaha Baahiyaha Gobolka”, “saamiga dadka kooxo dhaqameed ee Ontario aad ayey u korodhay, adeegyada dhaqan iyo luuqadda ahaan habboon wali waa tiro yar yihiin. Beelo dhaqameedka kala duwan waxay sidoo kale leeyihiin waxyaabo ay rumaysan yihiin dabeecado kala duwan xagga caafimaadka maskaxda, dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda iyo isticmaalka daroogada, iyo fikrado kala duwan waxa keena daawayn habboon. Afkaarta Galbeedka ee ku saabsan dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda iyo la-qabatinka aalaaba laguma isticmaalo dadka kasoo jeeda dhaqamada kale. Kaqaybqaate beesha Ruwaandha ka socda ayaa sharraxay, “Ma jirto fikrad caafimaadka maskaxda beeshayada… waxaana jira eray-bixin la-qabatin”. Kaqaybqaatayaal ah koox gooni u eegta waxay dooneen inay u adeegaan kooxo dhaqameedyo kala duwan… iyo sidoo kale horumarinta qaabab luuqad ahaan gaar ah dhaqan ahaana habboon oo dadkan loogu talagalay.”

Hase yeeshee, korodhka goobaha khamaarka dartii ee Kanada iyo adduunka, cilmi-baadhis ku saabsan khamaarka iyo beelaha dhaqameed waa lagama maarmaan. Intii lagu jiray sannadadii dhawaa, waxaanu aragnay xoogsaaris wayn ee balwadda khamaarka iyo xubnaha beelo dhaqameedyo kala duwan iyo qoysaskooda.

Meey 2001, Xarunta Cilmi-baadhista Khamaarista Ontario (OPGRC) waxay ku abaalmarisay $1.6 milyan cilmi-baadhis shiishka saaraysay dadka gaarka ah, oo ay kujiraan kooxo dhaqameedyadu. Ururo kala duwan sida Adeegyada Muhaajirka COSTI, Xarunta La-qabatinka iyo Caafimaadka Maskaxda, CAMH, iyo Xarunta Cilmi-baadhista Balwadda Khamaarka Ontario ayaa ka fuliyey cilmi-baadhis beelo dhaqameedyada kala duwan. Qofku wuxuu ka heli karaa “Xallinta Balwadda Khamaarka beelaha Dhaqameed Toronto iyo Winsor/Degmada Essex iyo Baadhista Fahamada Dhaqameed (gamblingresarch.org) iyo “Dabaceedaha iyo Waxyaabaha laga Rumaysan Yahay Khamaarka iyo Balwadda Khamaarka Beelaha Hisbaaniga, Boolishka, Bortoqiiska, Bunjaabiga, Taamilka iyo Fiitnaamka Mandaqadda Torontada Wayn” warbixinada dhammeystiran, asagoo ku xidhmaya Xarunta Cilmi-baadhista Balwadda Khamaarka Ontario (gamblingresearch.org)  iyo ama Adeegyada Muhaajirka COSTI (costi.org)

Natiiyoonka cilmi-baadhista sare ku xusan waxay noqon doonaan caawimo wayn si looga adkaado madhnaashaha macluumaad ee la xidhiidha kooxo dhaqameedyada iyo khamaarista. Macluumaad badan wuxuu kuu horseedi karaa horumarinta dabbakhaado fiican, dhaqan ahaan iyo luuqadda ahaan qiimaynta iyo daawyanta balwadda khamaarka dadwaynaha kooxo dhaqameed.

This page is also available in: English, Arabic, Chinese (Simplified), Italian

Niagara Multilingual Prevention/Education Problem Gambling Program © 2022

NHS Mohltc Logo Camh Logo Opgh Logo Casn